Xiddiga Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.
Waxa jira warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo isaga tagayo Al-Nassr xilli uu xiiso ka helayo kooxda Newcastle United.
Waan ku faraxsanahay halkan – waxaan rabaa inaan sii joogo Al-Nassr, Halkan ayaan ka sii wadan doonaa xirfadayda ciyaareed”.
“Noloshu si aad u wanaagsan ayay u socotaa, horyaalku waa wanaagsan yahay. Ciyaartoyda waaweyn dhamaantood waa la soo dhawaynayaa. Haddii tani dhacdo, horyaalku wuu fiicnaan doonaa”.
Ronaldo ayaa 16 gool u dhaliyay kooxdiisa Al-Nassr 14 kulan oo uu ciyaaray horyaalka sucuudiga xilli ciyaareedkan.

Related



Source link