Kooxda Man City ayaa garaaday Arsenal kulan ka tirsanaa Final-ka Community Shield-ka oo ka dhacay garoonka Wembley.
Xiddiga Cole Palmer ayaa qabtay wixii uu Erling Haaland ka qaban waayay kulanka waxana uu kooxdiisa u dhaliyay goolka furitaanka.
Xiddiga Palmer oo dhawaan xulka England ee xiddigaha 21 jirada kula dabaal-dagay ku guulaysiga koobka adduunka ayaa daqiiqadii 77-aad goolka dhaliyay.
Palmer ayaa taageerayaasha Arsenal xasuusiyay Xiddigoodii hore ee Cesc Fabregas kadib markii uu gool ka dhaliyay.
Xiddiga Palmer ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaar ee gool ka dhaliya koobka Community Shield-ka tan ilaa Cesc Fabregas oo sidaas sameeyay sanadkii 2005 goolna ka dhaliyay chelsea.
Related