Laascaanood (soomaalinews.com) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo horleh oo ka baxay gobolka Sanaag, kuwaas oo ku biiraya ciidanka deegaanka SSC ee ku sugan halkaasi.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa si weyn magaaladaas ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka SSC-Khaatuma iyo waxgaradka deegaanka.
Sawirro laga soo qaaday ciidanka ayaa la arkayay, ayaga oo qalabeysan, isla-markaana kusii jeeda aagga dagaalka ee Laascaanood.
Sida ay ogaatay soomaalinews.com, ciidankan oo u abaabulan hab beeleed ayaa ka soo baxay degaanka Xingalool ee gobolka sanaag, iyaga oo qeyb ka noqonaya xoogagga SSC ee duleedka magaalada Laascaanood kula dagaalamaya milatariga Somaliland.