Garoowe (soomaalinews.com) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddu ay sii xoogeystay ka dib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay xalay fiidkii hore fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku hareereeyeen xarunta baarlamaanka, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Garoowe.

Sidoo kale ciidamada careysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Qaar kamid ah shacabka deegaanka oo walaac ka muujinaya xiisaddan ayaa isaga barakacay aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa ee ka jirta maamulkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la shaaciyay ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.

Ajendaha la shaaciyay ee kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.





Source link