Kooxda chelsea ayuu durba ku bilowday dhaawacyada inkasta oo uuna wali bilaaban xilli ciyaareedkoodu.
Chelsea ayaa xaqiijisay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay daafaca Wesley Fofana kaas oo maray qaliin dhinaca jilibka ah.
Kooxa chelsea ayaa xaqiijisay in daafacu maqnaan doono muddo kadib dhaawac soo gaadhay.
Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda chelsea xagaagii hore.
Blues ayaa xiddiga ka reebtay safarka ay kooxdu ku aadayso Maraykanka halkaas oo ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.
Related