Rajadii Chelsea ee saxiixa Paulo Dybala ayaa u muuqata mid soo dhamaatay.
Sababtoo ah xiddiga reer Argentina ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Roma, sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb.
Tuttomercatoweb ayaa ku warameysa in Dybala uu ogolaaday heshiis cusub oo gaaraya ilaa June 2026 iyo waliba hal sano oo dheeraad ah.
Tan ugu muhiimsan ayaa ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa oo markii hore ahayd 12 milyan ayaa meesha laga saari doonaa waxana laga dhigi doonaa mid ka adag oo la bixin karo.
Blues ayaa xiiseyneysay saxiixa Dybala xagaagan, iyadoo tababaraha cusub ee kooxda chelsea Mauricio Pochettino doonayo in uu helo xiddiga reer Argentine.

Related



Source link