Weeraryahanka kooxda Chelsea Christopher Nkunku ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu seegi doono kulanka ay chelsea la ciyaari doonto Liverpool kulanka furitaanka Premier League kadib dhaawac soo gaadhay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigii hore ee RB Leipzig ayaa dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Nkunku ayaa dhaawacmay kulankii Dortmund ee 30 bishii dhamaatay taas oo keentay in uu dhaawac uga boxo kulanka.
Xiddiga ayaa haatan la filayaa in uu seego kulanka ay Chelsea ku bilaaban doonto xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.
Sida laga soo xigtay Evening Stanard, Nkunku ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France seegi doono kulanka Liverpool ee Bilowga xilli ciyaareedka.

Related



Source link