Kooxda chelsea ayaa war fiican ka heshay xaalada Reece James kaas oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda.
James ayaa dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore waxana uu kaliya kooxda u ciyaaray 16 kulan oo premier League ah.
Daafaca Midig ayaa sidoo kale ku dhaawacmay tababarka kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed xiddiga ayaan u ciyaarin kooxda tan ilaa todobaadkii ugu horeeyay ee horyaalka premier League.
Xiddiga ayaa ka maqnaa kooxdiisa 8 kulan laakiin Blues ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga kaas oo ku soo laabtay tababarka.
Xiddiga ayaa Bogiisa Twitter-ka haatana loo yaqaano “X” soo dhigay sawir uu tababarka kooxdiisa ku jiro ka hor kulanka Burnley.
Related