Chelsea ayaa xiiseyneysa inay dalab ka gudbiso Neymar laakiin waxay sugi doontaa inay aragto haddii xiddiga reer Brazil uu diyaar u yahay inuu ka tago Paris Saint-Germain, sida ay wararku sheegayaan.
Laacibka ugu qaalisan adduunka ayuu calaamad saaranyahay mustaqbalkiisa kooxda PSG inkasta oo uu 4 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda.
Neymar aya ka maqan kooxda tan ilaa bishii February ee sanadkan markii uu dhaawac soo gaadhay isla markaas u baahday qaliin.
Laakiin xiddiga 31 jirka ah ayaa todobaadkan ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sida ay sheegayaan wararku kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga si uu mar kale ula shaqeeyo xiddiga Pochettino kaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen PSG.
Laakiin Blues ayaa dalab ka gudbinaysa saxiixa xiddiga kaliya hadii uu doonayo in uu isaga tago kooxda PSG inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Related



Source link