Chelsea ayaa heysata hal isbuuc oo kaliya inay u dhaqaaqaan Paulo Dybala ka hor inta uusan dhamaanin qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Blues ayaa si aad ah loola xiriirinayey xiddiga Roma xagaagan, iyadoo maamulaha cusub ee Chelsea Mauricio Pochettino la og yahay inuu aad ula dhacsan yahay xiddiga ay isku dalka yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa heysata kaliya hal usbuuc inay dalab ka gudbiyaan Dybala ka hor inta uusan dhicin qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Saxafiga Il Romanista Andrea Di Carlo ayaa in Dybala heshiiskiisa kooxda chelsea lagu bur-burin karo lacag 12 milyan ah marka ay doonayaan kooxaha ka baxan Talyaaniga.
Hadii kooxda doonaysa Dybala bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga, Roma ayaan wax awood ah u lahayn in ay joojiso xiddiga.
Si kasta ha ahaatee lacagtaas lagu bur-burin karo heshiiska Dybala ayaa dhici doona 31 bishan haatan lagu jiro ee July.
Taas ayaa la macno ah in ay Blues u baahantahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga dhamaadka bishan hadii ay doonayso saxiixa xiddiga.
Sii Akhriso: Saraakiil Ka Tirsan Wasaarada Maaliyada Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Magaalada Muqdisho.
Related