Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Rennes ee Jeremy Daku kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Michael Olise.
Inkasta oo ay haatanba 9 xiddig la soo wareegeen isla markaas suuqa galiyeen wax ka badan 300 milyan chelsea ayaa wali doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda.
Blues ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Crystal Palace ee Michael Olise laakiin xiddiga ayaa iska diiday Blues waxana uu heshiis cusub u saxiixay kooxda.
Sida laga soo xigtay 90min, Chelsea ayaa doonaysa xiddiga 21 jirka ah ee kooxda Rennes, Daku kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxda chelsea.
Daku ayaa lagu heli karaa lacag dhan 26 milyan oo euro waxana uu dhaliyay 12 gool halka uu caawiya ka noqday 10 kale 91 kulan oo uu ciyaaray.
Related