Halyeeyga Chelsea Gianfranco Zola ayaa sheegay in kooxda ay haysato dhibaato weyn xilli uu cadaadiska ku sii badanayo Mauricio Pochettino.
Blues ayaa si xun ku bilaabatay ololahan iyaga oo 5 dhibcood ka urursaday lixdii kulan ee furitaanka.
Pochettino ayaa kooxda galiyay wax ka badan 400 milyan oo euro suuqii xagaaga markii uu noqday tababaraha kooxda.
Laakiin kooxda ayaa ku bilaabatay si xun iyaga oo kaliya gaadhay hal guul horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Zola ayaa sheegay in lacagtii badnayd ee ay kooxdu suuqa galisay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ka jirta chelsea.
“Taageerayaashu ma kala sooci karaan xiddigahan haatana”ayuu Zola yidhi.
“Waxa jira xiddigo badan oo cusub, xiddigo da’yar ah walina kama soo bixin waxa laga filayo ee ay taageerayaashu doonayaan taas ayaana muujinaysa niyad jabka”.
“Marka aad lacag badan suuqa galisid oo aad xiddigo cusub keentid waxa aad wajahaysaa halista ah in ayna xiddigu isla qabsan oo ayna xidhiidh fiican yeelan”.
Related