Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay chelsea ka diiday dalab Rasmi ah oo ay Blues ku doonaysay saxiixa weeraryahanka kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa laga diiday dalab furitaan ah oo dhan 50 milyan oo euro kaas oo ay ku doonaysay weeraryahanka Dusan Vlahovic sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.
Kooxda chelsea ayaa dar-dar galinaysa dadaalada ay ku doonayso in ay xoojiso kooxda tababare Mauricio Pochettino kadib markii ay iibisay xiddigo ku kacaya 200 milyan.
Sida laga soo xigtay Corriere dello Sera kooxda chelsea ayaa dalab 50 milyan ah ka gudbisay xiddiga Vlahovic laakiin Juventus ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.
Kooxda Juventus ayaa xiddiga reer Serbia ku qiimaysa lacag dhan 80 milyan oo euro maadama uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxdeeda.
Sii Akhriso: Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan Oo Si Adag Uga Hadlay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.

Related



Source link