Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab Rasmi ah oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.
Chelsea ayaa Moises Caicedo u doonaysa badalka xiddigaha N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic kuwaas oo ka tagay kooxda.
Kooxda chesea ayaa Brighton miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga Moises Caicedo.
Laakiin kooxda Brighton ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyada oo doonaysa lacag intaas ka badan.
Brighton ayaa doonaysa in ay xiddiga reer Eucador ku iibiso ugu yaraan lacag dhan 80 milyan oo euro.
Chelsea aya la filayaa in ay maalmaha soo socda dalab cusub kula laabato Brighton si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Related



Source link