Niyadjabka Chelsea ayaa weli socda ka dib barbaro goolal la’aan ah oo kala kulmeen kooxda Bournemouth oo marti loogu ahaa Vitality Stadium iyadoo Blues ay ka dhacday kaalinta 14aad ka dib hal kulan ay badiyeen shantii kulan ee la ciyaaray Premier League.
Qeybtii hore Chelsea ayaa iska lumisay fursado dhowr ah oo ay hogaanka ku qaban kareen, waxay soo bandhigeen ciyaar isku xiran balse dhameystirkooda ayaa ahaa mid liitay.
Jackson ayaa birta garaacay halka Gallagher iyo Sterling ay qasaariyeen fursado aad u fiicnaa.
Goolhayaha Chelsea Sanchez ayaase sameeyay badbaadintii ugu fiicneyd qeybtii hore isagoo kubad gool loo fishay ka beeniyay Ouattara oo cidna aysan xiraneynin.
Chelsea ayaa shabaqa soo taabatay bilowgii qeybta labaad ka dib laad xor ah uu birta ku garaacay Sterling oo uu shabaqa ku celiyay Colwill, balse Colwill ayaa boos offside ah taagnaa, goolkana waa la diiday.
Daqiiqadii 80aad goolhaye Sanchez ayaa fursad kale ka beeniyay weeraryahanka Bournemouth Solanke kaasoo kubad ku garaacay Gallagher ka hor inta uusan bartilmaameedsan goolka laakiin goolhayaha Chelsea ayaa badbaadiyay.
Daqiiqadii 85aad Neto ayaa fursad halis aheyd ka bixiyay weeraryahanka cusub ee Chelsea Palmer. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo taageerayaasha Chelsea ee martida ahaa ay ku ooriyeen kooxdooda.
Related