Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Christopher Nkunku kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.
Chelsea ayaa Christopher Nkunku ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee ay si buuxda ugu dhawaaqdo waxana ay ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.
Xiddiga Christopher Nkunku ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu kooxda chelsea ku joogi doono ilaa xagaaga 2029.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay – dadaal weyn ayaa la sameeyay si kooxda la ii keeno”ayuu Nkunku yidhi waraysigiisii ugu horeeyay ee chelsea.
“waxaan rabaa inaan tuso taageerayaasha Chelsea waxa aan ku sameyn karo garoonka.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Related