Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab ay ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Kai Havertz sida ay sheegayaan wararku.
Maalmihii ugu dambeeyay xiddiga reer Germany ayaa bartilmameed u noqday kooxda Arsenal xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda chelsea.
Xiddiga Kai Havertz ayuu heshiiskiisa chelsea ka dhimanyahay 2 sano waxana la filayaa in uuna ka qayb ahayn qorshaha tababaraha cusub ee kooxda.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Kooxda Arsenal ayaa dar-dar galisay dadaalada ay ku doonayso in ay kula saxiixato xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Isla wargayska aya sheegaya in ay kooxda Arsenal ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Kai Havertz si ay ugu xoojiyaan weerarkooda suua xagaagan.
Laakiin Chelsea ayaa isla markiiba diiday dalabkaas sabab la xidhiidha in ay Blues doonayso in ay xiddiga 24 jirka ah ku iibiso lacag dhan 70 milyan oo euro.
Related