Chelsea ayaa wadahadalo la furtay xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun xilli ay suuqa ugu jiraan raadinta Weeraryahan cusub.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Reims oo uu amaah kula joogay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 21 gool 27 kulan oo uu ciyaaray.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay indhaha kooxaha reer yurub waxana horay xiiso ugu muujiyay kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan iyo waliba sidoo kale kooxaha RB Leipzig iyo Monaco.
Haatan waxa jirta Fursad uu Balogun ku sii joogi karo London sida laga soo xigtay Football Transfers kuwaas oo sheegaya in ay chelsea wadahadalo la furtay Weeraryahanka.
Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iibiso xiddiga laakiin waxa ay dul dhigtay qiimo lacageed oo dhan 50 milyan oo euro.
Xiddiga ayaa doonaya in uu helo koox uu si joogto ugu ciyaaro waxana uu isku dayi doonaa in uu ka tago Arsenal.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.

Related



Source link