Chelsea ayaa isku dayday in ay Mauricio Pochettino ku qalabayso weeraryahan cusub ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga laakiin ugu dambayn way ku fashilmeen isku daygii ay ku doonayeen in ay keenaan weeraryahan cusub.
Blues ayaa suuqa galisay lacag badan suuqii xagaaga iyaga oo la soo saxiixday xiddigo badan isla markaas suuqa galiyay wax ka badan 400 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, chelsea ayaa isku dayday in ay saacadihii ugu dambeeyay suuqii xagaaga isku dayday saxiixa xiddiga kooxda Nottingham Forest ee Taiwo Awoniyi.
Si kasta ha ahaatee kooxda Nottingham Forest ayaa isla markiiba diiday daalabka Blues dku doonaysay saxiixa xiddiga reer Nigeria.
Xiddiga Taiwo Awoniyi ayaa kooxdiisa Nottingham Forest ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen chelsea todobaadkan kadib markii uu dhaliyay goolkii ay kooxdiisu ku garaacday Blues.
Related