Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 38 milyan ah si ay u fasaxdo xiddiga Romelu Lukaku xagaagan.
Kadib xilli ciyaareed niya jab leh oo uu ku qaatay Chelsea, Lukaku ayaa xagaagii amaah ugu biiray Inter Milan.
Romelu Lukaku ayaa si fiican ugu ciyaaray Inter Milan waxana ay kooxda reer Italy doonaysaa in ay si toos ah ula wareegto xagaagan.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, chelsea ayaa diyaar u ah in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan si ay ufasaxdo xiddiga reer Belguim inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Chelsea ayaa ilaa haatan Inter ka diiday dalab amaah ah waxana ay doonaysaa in ay qaab toos ah u fasaxdo xiddiga halka ay amaah kale ku fasixi lahayd.

Related



Source link