Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lesley Ugochukwu kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Rennes.
Kooxda chelsea ayaa xiddiga khadka dhexe ee 19 jirka ah si lama filaan ah ugu dhaqaaqday marka la eego in ayna cidna horay ula xidhiidhin saxiixiisa.
Blues ayaa xiddiga ka bixisay lacag dhan 28 milyan oo euro marka lagu daro gunooyinka heshiiska.
Xiddiga Lesley Ugochukwu ayaa haatan isku diyaarinaay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda chelsea si uu u dhamaystiro heshiiska.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo ilaa xagaaga 2028 ah kadib markii uu ogolaaday ku biirista kooxda.
Inkasta oo uu yahay xiddig da’yar ah hadana Ugochukwu ayaa kooxda reer France u ciyaaray 60 kulan kooxda 1-aad isaga oo kula guulaystay horyaalka Ligue 1.
Chelsea ayaa xiddiga u dhaqaaqday kadib markii ay Brighton dalab 80 milyan ah ka diiday chelsea iyaga oo doonayay saxiixa xiddiga Moises Caicedo.
Sii Akhriso: DEG-DEG: 4 Sarkaal Oo Loo Xidhay Qaraxii Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho Todobaadkii Hore.

Related



Source link