Xaalka Kooxda chelsea ayaa sii xumaaday iyada oo la xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay xiddig muhiim u ah kooxda Pochettino.
Saxafiga Miguel Delaney ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea dhaawac ku wayday xiddiga Carney Chukwuemeka.
Delaney ayaa sheegaya in uu xiddiga Carney Chukwuemeka garoomada ka maqnaan doono muddo kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii West Ham.
Xiddiga Carney Chukwuemeka oo dhaliyay goolka kaliya ee ay chelsea dhalisay kulankii West Ham ayaa garoomada ka maqnaan doona 6 todobaad.
Carney Chukwuemeka ayaa ah xiddigii 2-aad ee ka dhaawacma chelsea kadib markii ay horay kooxdu dhaawac muddo dheer ugu wayday xiddiga Nkunku.
Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in uu xiddigu mari doono qaliin jilibka ah sidaas darteed garoomada ka maqnaan doono muddo.
Related