Kooxda chelsea ayaa 24 saac ee la soo dhaafay dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Chelsea dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe oo ah bartilmaameedkooda 1-aad.
Dalabka Blues ayaa ahaa 80 milyn oo euro laakiin kooxda Brighton ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.
Kooxda Brighton ayaa ku adkaysanaysa in ay xiddiga reer Ecuador ku iibinayaan lacag dhan 105 milyan oo euro.
Chelsea ayaa aad u doonaysa xiddiga khadka dhexe kaas oo ay u aragto mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxda tababare Pochettino.
Romano ayaa intaas ku daray in wadahadalada labada kooxood wali socdaan laakiin aanay wali wax heshiis ah ka gaadhin.

Related



Source link