Chelsea ayaa doonaysa in ay Brighton siiso fursad ay amaah kula soo saxiixan karto Levi Colwill si uu qayb uga noqdo heshiiska ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.
Blues ayaa wali xiiso dheer u qabta xiddiga khadka dhexe waxana ay aaminsan yihiin in hadii ay Colwill siiyaan Brightin in uu u fududaan karo saxiixa xiddiga Caicedo.
Colwill ayaa amaah kula joogay Brighton xilli ciyaareedkii hore waxana ay xitaa Brighton dalab Rasmi ah oo 30 milyan ah ka gudbisay xiddiga si ay qaab toos ah ula wareegto.
Chelsea ayaa isla markiiba diiday dalabka laakiin Blues ayaa haatan qorshaynaysa in ay Colwill ku darto heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Caicedo.
Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Caicedo u doonaysa in ay ku buuxiyaan booska N’Golo Kante kaas oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Related



Source link