Kooxda chelse ayaa lagu soo waramayaa in ay Brighton kala heshiisay saxiixa Goolhayaha Robert Sanchez.
Chelsea ayaa todobaadkii hore xiiso u muujisay saxiixa Goolhayaha si ay ula tartansiiso Goolhaye kept.
Wargayska Athletic ayaa sheegaya in ay chelsea iyo Brighton ka heshiiyeen qiimaha Goolhayaha reer Spain.
Isl Wargayska ayaa sheegay In uu Goolhayuhu isku diyaarinayo in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda chelsea.
Pochettino ayaa doonaya in uu Sanchez la tartamo Goolhaye Kepa xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link