Chelsea ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigtay Goolhayaha Kooxda Brighton ee Robert Sanchez sida ay sheegayaan wararku inkasta oo ay ku dhibaatoonayso saxiixa Moises Caicedo.
Moises Caicedo oo ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee kooxda chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin waxa ay ilaa haatan ku dhibaatoodeen in ay Brighton kala heshiiyaan qiimaha xiddiga iyada oo Brighton diidan in ay hoos u dhigto qiimaha 105-ta ah ee ay dul dhigtay xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Moises Caicedo ayaa wali ah bartilmaameedka 1-aad inkasta oo ay Brighton diidantahay in ay hoos u dhigto qiimaha.
Waxa intaas sii dheer in ay chelsea haatan doonayso saxiixa Goolhaye Sanchez si ay ula tartansiiyaan Goolhaye Kepa.
Goolhaye Sanchez ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Brighton sabab la xidhiidha in uu lumiyay booskiisa kooxda Brighton.

Related



Source link