Weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic ayaa doorbidaya u dhaqaaqista Paris Saint-Germain marka loo eego Chelsea, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Talyaaniga.
Chelsea ayaa wali isha ku haysa in ay la soo wareegto weeraryahan cusub xagaagan waxana ay calaamadsatay xiddiga 23 jirka ah.
Juventus ayaa ugu yaraan ku dooneysa 63 milyan euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Serbia ee dhaliyay 14 gool tartamada dhan xilli ciyaareedkii hore.
Sida laga soo xigtay Alfredo Pedulla, PSG ayaa sidoo kale soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Vlahovic, waxaana la fahamsan yahay in weeraryahanka uu haatan doonayo inuu ku biiro kooxda reer France.
Wararka ayaa sheegaya in Vlahovic uu haatan sugayo PSG inay dalabkeedii ugu horeysay u gudbiso Juventus, kuwaasoo durba meesha ka saaraya heshiis amaah ah.
Related