Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Roméo Lavia ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii dhawaanayo ku biirista kooxda Liverpool.
Kooxda chelsea ayaa saacadihii ugu dambeey ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Roméo Lavia iyaga oo xiddiga u doonaya badalka Moises Caicedo.
Liverpool ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xiddiga Roméo Lavia kaas oo ogolaaday heshiis ilaa xagaaga 2028.
Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe iska diiday xiisaha wakhtiga dambe ee kooxda Chelsea ah.
Xiddiga ayaa qalbigiisa galiyay in uu ku biiro kooxda Liverpool kadib markii uu ku qancay qorshaha Tabaare Klopp.
Related