Kadib 3 bilood oo uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga waxa la soo afjaray iyada oo suuqu si Rasmi ah u xidhmay shalay.
Waxa jira kooxo badan oo lacag badan suuqa galiyay isla markaas xiddigo cusub kula soo wareegay intii uu furnaa suuqa kala iibsigu.
Kooxda Chelsea oo wacdaro ka dhigtay suuqii Xagaaga ayaa ah kooxda lacagta ugu badan suuqa galisay iyaga oo suuqa galiyay 464.10 milyan oo ay kula soo wareegeen 11 xiddig.
Waxa ku xigta kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga iyaga oo suuqa galiyay 353.10 milyan oo ay kula soo wareegeen 9 xiddig
Waxa ku xiga kooxda PSG kuwaas oo suuqa galiyay 349.50 milyan intii uu furnaa suuqii xagaaga oo ay kula soo wareegeen 13 xiddig.
Hadaba Halkan Hoose kaga bogo liisak kooxaha lacagta ugu badan suuqa galiyay.

Related



Source link