Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League iyaga oo guul ku soo xidhay kulamada martida ee premier League xilli ciyaareedka.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United maamulayso kana fiicantahay kooxda Bournemouth kuwaas oo aan iska caabin kala hor tagin kooxda Man United.
Red Devils ayaa qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah oo ay ku dilayaan ciyaarta.
Daqiiqadii 9-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo gool qurux badan hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Bournemouth ayaa isku dayday in ay samayso fursado laakiin waxa ay si weyn ugu dhibaatoodeen goolka hortiisa xilli ay United si fiican u difaacatay goolkeeda.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar ay Man United gaadhay guul muhiim ah kuna xaqiiqsatay booskeeda champions League xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link