Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyay Kooxaha u sharaxan ku guulaysiga koobka champions League xilli ciyaareedkan.
Ancelotti ayaa Man City u sharaxay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha in ay tahay kooxda difaacanaysa koobka waxana uu sheegay in ayna kooxdiisu ayna ka mid ahayn kooxaha u sharaxan.
Real Madrid ayaa bilaabi doonta safarkeeda tartanka Champions League fiidnimada Arbacada marka ay wajahdo kooxda Jarmalka ee Union Berlin.
Shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Union Berlin, Carlo Ancelotti waxa uu si dhab ah uga hadlay musharaxnimada Real Madrid ee champions League iyo sidoo kale ujeedka kooxdiisa ee tartanka.
Carlo Ancelotti ayaa la waydiiyay musharaxa ugu cadcad in uu ku guulaysan doono champions League waxana uu ku jawaabay “Manchester City waa musharaxa ugu cad cad sababta oo ah waxa ay haysataa koox ay kula guulaysteen koobka xilli ciyaareedkii hore”.
Wuxuu ku daray, “Laakiin Champions League, sida had iyo jeer, mar walba waxaa jira waxyaabo la yaab leh. “Waxaan u arkaa Real Madrid koox aad u weyn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waan tartami doonaa ilaa dhamaadka, laakiin marnaba ma aaminsani in aanu nahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga koobka, laakiin City ayaa ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga koobka”.
Related