Muqdisho (soomaalinews.com) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Cumar oo loo yaqaan Cali Balcad ayaa loolan xooggan ugu jira sidii loogu magacaabi lahaa xilka uu hadda ku fadhiyo Abshir Bukhaari ee ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya. 

Cali Balcad ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh soo noqday agaasimaha madaxtooyada. 

Markii Xasan Sheekh dib loo doortay, Cali Balcad ayaa doonayey in mar kale uu xil sare ka helo madaxtooyada, si aanu uga fogaan madaxweynaha, hase yeeshee waxaa loolanka uga adkaaday Abshir Bukhaari iyo xulufadiisa oo kaalin weyn ku lahaa dib doorashada madaxweynaha. 

‘Wasiirka arrimaha dibedda ee dadban’ 

Cali Balcad ayaa waxaa kadib lagu qanciyey xilka wasiiru dowlaha arrimaha dibedda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay wasiirka arrimaha dibedda ee dadban, isaga oo  aad uga awood badan wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse, oo kasoo jeeda Puntland.  

Waxa uu ka qeyb-galaa inta badan shirarka caalamiga ee muhiimka ah, waxa uuna gaaraa inta badan go’aanada wasaaradda arrimaha dibedda, isaga oo awooddaas ku helay sida uu ugu dhow yahay madaxweynaha.

Si kastaba, soomaalinews.com ayaa ogaatay in Cali Balcad uu hadda dareemayo inuu ka fogaaday xeendaabka madaxweynaha iyo Villa Somalia, halkaasi oo Abshir Bukhaari uu saameyn xooggan ku leeyahay.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa soomaalinews.com u sheegay in Cali Balcad uu hadda madaxweynaha ka dhaadhicinayo in la beddelo Bukhaari, isaga oo qiil ka dhiganay khilaafyo la sheegay inay kala dhaxeeyaan shaqaalaha madaxtooyada, kuwaas oo la rumeysan yahay in qaarkood uu isaga abaabulay.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweyne Xasan Sheekh ogolaan doono inuu Cali Balcad dib ugu soo celiyo madaxtooyada, sababo la xiriira in muddo xileedkii hore uu aad ula dagaalay inta badan shaqalaha madaxweynaha, laguna eedeeyey maamul xumo.

Sidoo kale, Abshir Bukhaari ayaa lagu ammaanay shaqo wanaag, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu la dhacsan yahay waxqabadkiisa, halka shaqaalaha madaxtooyadana ay aad u ammaaneen. 





Source link