Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa Moises Caicedo oo ay 115 milyan oo euro kagala soo wareegtay kooxda Brighton.
Caicedo ayaa Chelsea u saxiixay heshiis waqti dheer ah oo uu ku joogi doono kooxda una xoojiyo suuqa xagaagan.
Isagoo la hadlayay website-ka rasmiga ah ee Chelsea, Caicedo ayaa sheegay in N’Golo Kante iyo Claude Makelele ay ku dhiiri galiyeen inuu yimaado Blues.
“Waan hubaa inaan koobab badan kula guuleysan doono kooxdan weyn, si aan Chelsea u dhigno halka ay u qalanto,” ayuu yiri Caicedo.
Caicedo ayaa hadalkiisa raaciyay: “Makilele iyo Kante ayaa dhiiri galin ii sameeyay si aan ugu biiro Chelsea maadama ay yihiin laba xiddig oo aan si weyn ugu daydo”

Related



Source link