Kooxaha Premier League ayaa isku diyaarinaya dalabyo badan oo mushahar kordhin ah oo uga imanaya ciyaartoy waaweyn haddii Kylian Mbappe uu 259 milyan ugu wareego Saudi Pro League.
Kooxaha 6-da ah ee ugu waaweyn premier League ayaa ka cabsi qaba in ku biirista Mbappe ee Al-Hilal kuwaas oo xiddiga u soo bandhigaya 3 milyan todobaadkii ay keeni karto in ay xiddigaha ugu waaweyn ku hanjabi doonaan in ay u dhaqaaqayaan horyaalka sucuudiga hadii aan si weyn kor loogu qaadin mushaharka.
Mushaharka ay kooxaha sucuudigu u soo bandhigayaan xiddigaha ayaa kor u dhaafaya xiddigaha ugu mushaharka badan premeir League oo uu hogaaminayo Haaland oo qaata ku dhawaad 900 kun oo Gini.
Si kasta ha ahaatee hadii Mbappe ku biiro sucuudiga arintaas ayaa wax walba u badali doonta kooxaha premier League.
Paris Saint-Germain ayaa xiddig Mbappe u siisay fasax uu kula hadli karo Al-Hilal kadib markii ay aqbashay dalabka Al-Hilal.

Related



Source link