Weeraryahanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa ku booriyay kooxdiisa inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Benfica Goncalo Ramos inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
21-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka 2022-23 isagoo u dhaliyay 27 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 12 caawin 47 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Ramos ayaa door hogaamineed ka qaatay kooxda Benfica oo ku guulaysatay horyaalka Primeira Liga, wuxuuna dhaliyay 19 gool wuxuuna diiwaan galiyay 7 caawin 30 kulan oo uu saftay, halka uu sidoo kale dhaliyay 3 gool champions League.
Weeraryahanka ayay 3 sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Benfica laakiin waxa jira warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.
Man United ayaa dhinaceeda suuqa ugu jirta weeraryahan cusub Ramos ayaana si weyn loola xidhiidhinayay u dhaqaaqista Old Trafford.
Fernandes oo Ramos kaga garab ciyaaray xulka qaranka Portugal ayaa Man United u sheegay tayada iyo awooda uu leeyahay saaxiibkiisa xulka qaranka.
“Ka ugu wanagsan had iyo jeer waa mid anfaca, ha ahaado Goncalo ama ciyaaryahan kale, waxa uu leeyahay dhamaan tayada uu kaga ciyaari karo Premier League, marka aan dhaho Premier League waxaan sidoo kale ula jeedaa Manchester United,” Fernandes ayaa u sheegay A Bola.
“Waxaan u maleynayaa inuu noqon karo tixraac weyn sanadaha soo socda, laakiin weli kuma jirto gacantayda inaan noqdo agaasimaha isboortiga… Goncalo wuxuu heystaa dhammaan shuruudaha uu ku ciyaaro Premier League”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link