Agaasimaha Kooxda Brighton Paul Barber ayaa sharaxay sababtii uu Moises Caicedo u diiday Liverpool ugana doortay kooxda chelsea.
Caicedo ayaa shalay si Rasmi ah ugu biiray kooxda chelsea kadib muddo lala xidhiidhinayay kooxda Blues.
Xiddiga reer Ecuador ayaa iska diiday Liverpool inkasta oo ay Brighton aqbashay dalabkii kooxda Liverpool ka gudbisay saxiixiisa.
Barber ayaa u sheegay talkSPORT:”Liverpool waa koox cajiib ah, xiddig kasta in uu fursad u helo in uu u ciyaaro waxa uu ordayaa wadooyinka farxad darteed”.
“Moises iyo lataliyayaashiisa waxay go’aansadeen sabab kasta ha ahaatee in London ay tahay meesha ay doorbidayaan, iyo ugu dambeyntii Chelsea”.
Waxa xusid mudan in ay Chelsea Caicedo ka dhigtay xiddiga ugu qaalisan taariikhda horyaalka premier League kadib markii ay bixisay 115 milyan.
Related