Kooxda Brighton ayaa lagu soo waramayaa in ay chelsea ka diiday dalabkii 3-aad ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Moises Caicedo sid ay sheegayaan wararku.
Dalabka 3-aad ee kooxda chelsea ayaa ah mid 80 milyan oo euro ah sida ay sheegayaan ilo wareedyo laakiin Brighton ayaa diiday qaabka ay Blues u bixinayso lacagta.
Chelsea ayaa 70 milyan ku bixin doonta qaab goos-goos ah halka ay 10 milyan ku xidhay shardi qaab ciyaareedka xiddiga ah.
Lacagta ugu horaysa ayaa noqon doonta 35 milyan oo euro iyada oo 2 qaybood oo min 35 milyan ah ay bixin doonto sanadaha soo socda.
Laakiin Brighton ayaa diiday waxana ay doonaysaa in ay lacagta ugu badan halka hore ka hesho si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Xiddiga Moises Caicedo ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea waxana ay wararku sheegayaan in uu xiddigu doonayo in uu u dhaqaaqo Stamford Bridge.
Related