Kooxda Man United ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Brighton kulan ka tirsan premier League kana dhacday Old Trafford.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Brighton dhinac walba uga fiicnayd kooxda Man United iyaga oo ka awood batay kooxda Erik Ten Hag.
Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 20-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Man United ayaa isku dayday in ay soo laabato waxana ay sameeyeen fursado aan kala joogsi lahayn.
Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo Brighton hogaaminayso natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.
Qaybta dambe ayay Brighton ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo doonayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.
Daqiiqadii 53-aad ayay Brighton dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pascal GroB kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Kooxda Brighton ayaa sii waday in ay garaacdo kooxda Man United kuwaas oo u xaal waayay kooxda Brighton.
Daqiiqadii 71-aad ayay Brighton dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joao Pedro kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.
Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 73-aad dhalisay gool sharafeedka waxana u dhaliyay xiddiga Hannibal Mejbri kaas oo ciyaarta ka dhigay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Brighton Old Trafford ku xasuuqday kooxda Man United.
Dhinaca kale Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay West Ham iyaga oo ku badiyay 3/1.
Related