Brighton & Hove Albion ayaa lagu soo waramayaa inay dalbanayaan qiimo ka badan 100 milyan si ay u fasaxdo bartilmaameedka chelsea ee Moises Caicedo.
Kadib markii ay xiddigo dhawr ah oo khadka dhexe ah ka taagaan chelsea, Blues ayaa suuqa ugu jirta xiddigo cusub oo khadka dhexe ah.
Xiddigaha Mason Mount, N’Golo Kante, Ruben Loftus-Cheek Iyo Mateo Kovacic ayaa dhamaantood ka tagay kooxda chelsea suuqa xagaaga.
Chelsea ayaa rajaynaysa in ay la soo saxiixato xiddig khadka dhexe ah oo ay ka garab ciyaarsiiso Enzo Fernandes waxana ay bartilmaameed ka dhigatay Caicedo.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Brighton ayaa muujisay inay dalban doonaan lacag ka badan 100 milyan si ay u iibiso xiddiga Caicedo.
Wararka ayaa sheegaya in ay Brighton ka fal qaadanayso iibinta West Ham ee Declan Rice ku iibisay 105 milyan oo euro waxana ay doonaysaa lacag intaas oo kale ah ama ka badan.
Related