Brahim Diaz ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto Real Madrid, iyadoo xiddigu doonayo in uu door muhiim ka ciyaara kooxda Los Blancos.
23-sano jirkaan ayaa seddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay amaah kula joogay AC Milan, laakiin dhawaan ayaa la xaqiijiyay inuu ku laabtay Real Madrid.
Diaz ayaa sidoo kale qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula joogi doono kooxda Carlo Ancelotti ilaa xagaaga 2027.
“Waxa aan noqday mid qaan-gaar ah, 3-dii sano ee ugu dambeeyay garoonka dibadiisa iyo gudihiisaba”ayuu Diaz yidhi.
“Waxan doonayaa in aan guulo la gaadho Real Madrid oo ah kooxda ugu fiican adduunka, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u soo laabto kooxdan”.
Xiddiga reer Spain ayaa kooxda Real Madrid kaga soo biiray Man City sanadkii 2019 laakiin waxa uu amaaho kala duwan ku qaatay sanadihii ugu dambeeyay.

Related



Source link