Xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa Real Madrid ku tuusiyay riyo ay iloobeen kulankii Etihad ee champions League.
Man City ayaa xasuuqday Real Madrid kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Champions League.
Xiddiga khadka dhexe ee Silva ayaa kooxda Real Madrid laf dhuun gashay ku noqday isaga oo 2 gool ka dhaliyay kulanka.
Xiddiga Silva ayaa kadib 2-aad gool taageerayaasha Real Madrid xasuusiyay xiddigaha ay Cadawga yihiin ee Lionel Messi iyo Robert Lewandowski.
Xiddiga Bernardo Silva ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Real madrid ka dhaliya 2 gool iyo wax ka badan kulan Semi-final-ka champions League ah kadib Lionel Messi (2011) iyo Robert Lewandowski (2013).

Related



Source link