Benjamin Sesko ayaa ku adkeysanaya inuu qaatay go’aankii ‘ugu fiicnaa’ ee uu ugu biiray RB Leipzig xagaagan inkastoo ay xiiseyneysay Manchester United.
20-sano jirkaan ayaa ku jiray liiska ciyaartoyda United xilli Erik ten Hag uu ka dhigay saxiixa weeraryahan cusub mid ka mid ah mudnaantiisa suuqii xagaaga.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaan sii wadin xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga iyaga oo ugu dambayn la soo saxiixday xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ay kula wareegtay 72 milyan.
Sesko ayaa dhinaca kale 24 milyan ugu biiray kooxda RB Leipzig suuqii xagaaga kadib markii ay kooxda Red Bull Salzburg ogolaatay in ay xiddiga iibiso sanadkii hore.
Xiddiga reer Slovenia ayaa sheegay in uu sameeyay go’aanka saxda ah markii uu iska diiday Man United.
Markii la waydiiyay Sesko xiisaha Man United ayuu ku jawaabay”Xaqiiqada ayaa ah in aanan ku ku lahayn hadal hayntan oo kale”.
“Laakiin fiicnayd in aan imid halkan”.

Related



Source link