Daafaca Chelsea Ben Chilwell ayaa dhaawac looga saaray kulankii Arbacadii ay 1-0 kaga badiyeen Brighton & Hove Albion Kulan ka tirsanaa Carabao cup-ka.
Kadib markii uu ahaa badal aan la isticmaalin guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Aston Villa Axadii, Chilwell ayaa ku soo laabtay shaxda kooxda.
Chilwell oo xirtay calamada kabtanka ayaa ciyaarta inta badan ciyaaray iyadoo Nicolas Jackson uu qeybtii labaad dhaliyay goolkii muhiimka ahaa.
Laakiin xiddiga reer England ayaa u muuqday mid dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen xiddigii hore ee kooxda chelsea Billy Gilmour.
Chilwell ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu helay daawayn iyada oo kooxdu ku dhamaystay ciyaarta 10 daqiiqo kadib markii ay kooxdu wada isctimaashay.
Mar wax laga weydiiyay dhaawaca Chilwell ciyaarta ka dib, Pochettino ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan u baahanahay inaan qiimeyno berri, laakiin waxaan u maleynayaa inay tahay muruqa”.ac
Related