Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo la furtay goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga sida ay sheegayaan wararku.
Bayern Munich ayaa Saxiixa Goolhaye Cusub ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad xagaagan iyada oo Manuel Neuer uuna ku dhawayn in uu ku soo laabto garoomada sabab la xidhiidha lug jabtay.
Bayern Munich ayaa doonaysay saxiixa Goolhaye David Raya laakiin Arsenal ayaa u muuqata kuwo ku garaacday saxiixa Goolhayaha reer Spain kadib markii ay Gunners kala heshiisay saxiixa xiddiga.
Kooxda Bayern Munich ayaa haatan raadinaysa badalkiisa waxana ay bartilmaameed ka dhigteen Goolhayaha kooxda chelsea ee Kepa waxana ay wadahadalo la fureen kooxda Blues iyo Goolhayaha sida laga soo xigtay Sport1.
Wararka ayaa sheegaya in Thomas Tuchel uu si shaqsi ah u dalbaday in loo Keeno Goolhayaha oo ay ku wada shaqeeyeen kooxda chelsea.
Wakhtigii Tuchel, Kepa ayaa ahaa Goolhayaha 1-aad ee kooxda chelsea isaga oo ka horeeyay Goolhaye Edouard Mendy.

Related



Source link