Xitaa ka hor inta uusan Leo Messi ku dhawaaqin go’aankiisa ku biirista Inter Miami, waxaa jiray wadahadalo ku saabsan suurtagalnimada xiddiga reer Argentine uu amaah ugu biiri karo Barcelona kagana biiri karo kooxda reer Maraykan.
Uma badna inay dhacdo waqti dhow, inkastoo ay farsamo ahaan suurtogal tahay.
Marka hore, xilli ciyaareedka MLS ayaa si xawli ah ku socda, waxaana la filayaa in Messi uu noqdo ciyaaryahanka muhiimka ah ee Miami laga bilaabo dhamaadka bisha July iyo bilowga bisha August markaas oo uu ciyaari doono kulankiisa ugu horeeya.
Marka labaad, fursada ay Inter ku gaari karto isreeb-reebka horyaalka MLS ayaa sare u kacaysa kadib imaatinka Messi hadii ay u gudbaan wareegyada ugu dambeeya waxa ay ciyaari doonaan ilaa bilowga bisha December.
Waxaa jiri doona waqti uu Messi dhowr bilood ku qaadan doono kooxda Brcelona hadii ay Barcelona doonayso maadama horyaalka Maraykan dhamaado bisha December ilaa February laakiin waxa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu fasax ka qaato xilli ciyaareedkiisa kooxda Inter Miami.
Related