Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga João Cancelo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.
Barcelona ayaa haatan xaqiijisay in ay heshiis hal sano oo amaah ah kula soo wareegtay xiddiga reer Portugal ee João Cancelo.
Cancelo ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona iyada oo kooxdu xitaa isku dayday saxiixiisa suuqii January.
Haatan João Cancelo ayaa noqday saxiix cusub oo Barcelona ah isaga oo kooxda la joogi doona xilli ciyaareedkan.
Barcelona ayaa dookh u haysata in ay heshiis toos ah kula wareegto xiddiga xagaaga dambe hadii ay ku qanacdo qaab ciyaareedkiisa.

Related



Source link