Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Joao Felix kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegtay Atletico Madrid.
Joao Felix ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu ku joogi dono kooxda Barcelona.
Barcelona ayaa sidoo kale dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah.
Xiddiga reer Portugal ayaa rumiyeeyay riyadiisa ah in uu ku biiro kooxda Barcelona.
Joao Felix ayaa iska diiday kooxo badan oo reer yurub ah iyo kuwo sucuudiga ka ciyaara sabab la xidhiidha kooxda Barcelona.
Haatan Barcelona ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kaas oo ugu soo biiray qaab amaah ah.

Related



Source link