Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo ay kala wareegtay Barcelona.
Barcelona ayaa ku garaacday saxiixa xiddiga kooxaha Arsenal iyo Dortmund kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.
Kooxda Barcelona ayaa qaab xor ah kula soo wareegtay xiddiga khabiirka ah kana dhigaysa saxiixeedii weynaa ee ugu horeeyay suuqa xagaaga.
Xiddiga Gundogan ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona iyo waliba hal sano oo dheeraad ah.
Gundogan ayaa labada sano ee uu joogo kooxda mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 10 milyan oo euro.
Related