Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii uu dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kulankii El Clasico ee saaxiibtinimada ay la ciyaareen Real Madrid Axada.
Gundogan ayaa ku bilowday kulanka isaga oo ciyaaray 42 dsaqiiqo qaybtii hore ka hor inta uuna dareemin xanuun lana badalin kadib dhaawaca.
Dhaawaca soo gaadhay Gundogan ayaa u muuqda in uu yahay mid muruqa lugta midig iyada oo la sugayo baadhitaan dheeraad ah.
Wargayska AS ayaa sheegaya in wakhtigii Gundogan ee kulamada isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub dhamaaday isla markaas uuna kulan dambe u ciyaari doonin kooxda.
Sidoo kale xiddiga khadka dhexe ayaan ka qayb gali doonin kulanka Joan Gamper ee ay Barcelona la ciyaari doonto Tottenham 8 bisha August ee soo socota.
Sii Akhriso: Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada SSC-Khaatumo Oo Ka Hadlay Dagaalada Ay Ku Qaadaan Ciidamada Somaliland.

Related



Source link