Kooxda Barcelona ayaa Talaabo u qaaday saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Joao Cancelo sida ay sheegayaan wararku.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano Kooxda Barcelona ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Joao Cancelo.
Xiddiga Joao Cancelo ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xavi ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga reer Portugal isagu dayay saxiixa xiddiga si uu u keeno kooxdiisa.
Kooxda Bacelona ayaa haatan si Rasmi ah wadahadalo ula bilowday dhigeeda Man City si ay ugala heshiiso saxiixa xiddiga.
Barcelona ayaa Cancelo kula soo wareegaysa ama u adeegsanaysa lacagta ay ka helayso xiddiga Dembele oo ku dhaw kooxda Barcelona.

Related



Source link